spot_imgspot_imgspot_img

Labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo Ansixiyay Xisaab xirka Miisaaniyadda sanadkii tagay 2023

Sabti 26-Octo-2024 {HMC} Kulanta caadiga ah Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa codeyn lagu geliyay xisaab xirka lagu sameeyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii lasoo dhaafay 2023 maadaama ay ka doodeen kulamadii u dambeeyay.

Labada Gole ee Baarlamaanka oo si wadajir ah u fadhiyay kulanka ayaa codeyntii la sameeyay waxaa aqbalay xisaab xirkaas lagu sameeyay Miisaaniyadda sanadkii hore 167 Mudane, waxaana diiday 3 Xildhibaan mana jirin mudane ka aamusay.

Shir guddoonka kulankii maanta uu Baarlamaanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho oo codeynta kaddib ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in qodobkaas la xiriira xisaab xirka miisaaniyadda 2023 uu dhankooda ka gudbay.

Shuruucda ka gudubta Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee marta habraacyada loogu talagalay sida aqrinta 1aad, 2aad, 3aad & u codeynta waxaa ugu dambeyn saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya.

WARARKA