spot_imgspot_imgspot_img

faahfaahina Kasoo Baxayo Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sabti 26-Octo-2024 {HMC} Qarax xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac , ayaa goordhaw ka dhacay maqaayad kutaalla xaafada Jamhuuriya ee katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Sida aan xogta ku helnay qaraxa miino ee ka dhacay degmada Kaaraan , ayaa la sheegay in uu ahaa nuuca miinada , taa oo la dhigay qeyb kamid ah maqaayadda lagu weeraray.

Maqaayadda ayaa la sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay ay ku sugnaayeen dad u badnaa shacab, waxaana dadkii halkaasi ku sugnaa qaarkood noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Goobjoogayaal ayaa ku warranay in dadka qaraxa ku dhintay gaarayaan shan qof, halka kuwa dhaawacmayna intaasi ka badan yihiin, waxaana dadka dhaawacmay loola cararay isbitaallo kuyaalla Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay qeybo kamid ah Muqdisho lagu dilay dad badan oo shacab ah, kuwaa oo badankood loo dilay in kaamirada CCTV ay xirteen darteed loo dilay.

WARARKA