spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaan Katirsan Golaha Deegaanka Wajeer oo la la’ yahay.

Jimco, 25 Oct 2024 {HMC} Qoyska iyo qaraabada Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka maamulka Wajeer, ayaa weli sugaya war iyo wacaal ku saabsan xildhibaanka oo in muddo ah la la’ yahay.

Haddaba natiijadii ka soo baxday baaritaan lagu sameeyey dhacaan laga qaaday maydka ruux loo maleeyey in uu xildhibaanka yahay, ayaa waxaan ka wareysannay Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah ehelada xildhibanka la waayey.

“Dalkaan sharci ayaa kajira waxa aan dooneynaa in xildhibaanka nolol ama geeri lagu keeno dowladda ayeyna taasi xil ka saarantahay”.

Weli ma heyno Yuusuf, dowladduna waxa ay noo sheegtay in weli ay baarayaan, qof meyd ah oo la helay ayaa loo maleeyay in xildhibaanku uu yahay balse markii la baaray ayaa la ogaaday in qofkaas geeriyooday uusan ahayn xildhibaan Yuusuf”, ayuu yiri Maxamed .

Waxa uu sheegay in qof ahaan ay dowladda ka sugayaan natiijada baaritaannada iyo sidoo kale in ay codsanayaan in war iyo wacaal laga keeno qofkoodii oo ka maqan.

WARARKA