spot_imgspot_imgspot_img

Sedex weriye oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Isra’iil ka gaysatay Lubnaan

Jimco 25-Octo-2024 {HMC} Sedex weriye ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Isra’iil ka fulisay dhisme lagu yaqaano in ay dagan yihiin warfidiyeenka oo ku yaala koonfur bari dalka Lubnaan, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Duqeynta ayaa lagu ekeeyay guriga martida oo qayb ka ah dhismayaasha Xasabiya kaas oo ay isticmaalaan tobannaan weriye oo u shaqeeya illaa todobo xarumo warbaahineed, waxana gudhiisa yaala gawaari lagu xardhay orhaada “saxaafadda” ama “Press”.

Sedexda weriye ee la dilay ayaa u kala shaqeynayay telefishanada Al Manaar iyo Al Mayaadiin.

Wasiirka warfaafinta ee Lubnaan ayaa ku sheegay weerarka in uu ahaa mid ula kac ah, wuxuuna ku qeexay “dambi dagaal”.

Milatariga Isra’iil illaa hadda waxa faalo ah kama bixin duqeynta lagu dilay sedexda weriye oo dhammaantood ahaa reer Lubnaan, laakiin horey waxay u dafireen in ay weriyayaasha bartilmaameedsadaan.

Weriyayaasha la dilay ayaa kala ahaa muuqaal duube la yiraahdo Gasaan Najaar iyo injineer Maxamed Reda oo labadooduba u shaqeeynayay telefishanka u janjeera Iiraan ee Al Mayaadiin, iyo muuqaal duube kale oo la yiraahdo Wisaam Qaasim oo isna ka tirsanaa telefishanka aadka ugu dhaw Xisbullah ee Al Manaar.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in weerarka sidoo kale ay ku dhaawacmeen sedex qof.

Illaa shan weriye ayaa horey ugu dhintay duqeynta Israa’iil ay ku hayso dalka Lubnaan, waxana ku jiray weriyayaasha horey loogu dilay Isaam Cabdallah oo ka tirsanaa wakaaladda warrarka ee Reuters.

WARARKA