spot_imgspot_imgspot_img

FAAH-FAAHIN: Dil ka dhacay Gobalka Hiiraan.

Jimco 24-Octo-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya deegaanka Qowlad ee hoostagta degmada Baladweyne ayaa sheegaya in halkaas goordhow lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda soomaaliya Shariif Cali Raage oo ka howlgalayay gobalka Hiiraan.

Dilka askigaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo deegaankaas ay u taalo isbaaro, Waxaana dhaawac fudud uu soo gaaray darawal gaari.

Dilka askariga iyo dhaawaca gaaray darawalka ayaa yimid ka dib markii la rasaaseeyay gaari uu saarnaa askiga geeriyooday, xaalada goobta uu dilka ka dhacay ayaa hadda degan waxaana meydka marxuumka la keenay magaalada Baladweyne.

Wadada dheer ee xariirisa magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan ayaa mar kalle dib loo dhigay qaar ka mid ah isbaarooyinkii uu huray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

WARARKA