spot_imgspot_imgspot_img

Dowladaha Sacuudiga iyo Iran oo wadajir u sameynaya dhoolatus ciidan

Khamiis 24 Oct 2024 {HMC} – Ciidanka badda Iran iyo Sacuudiga ayaa dhoolatus wadajir ah ka sameyn doona badda cas, sida uu ka sheegay telefishinka dawladda Iran taliyaha ciidanka badda Iran, Shahram Irani.

Arrintan waxaa dhacdo muhiim ah ka dhigaysa, inay tahay calaamad muujinaysa sida yar ee labada dal oo mar cadow isku ahaa ay u soo celinayaan xiriirkooda.

Toddobaadkan wargeyska New York Times ayaa baahiyay maqal dheer oo ciwaan looga dhigay isbahaysiga bariga dhexe ee ay ka maqan tahay Israa’iil’, wargeyska wuxuu sheegay wixii ka horreeyay 7dii Oktoobar sannadkii hore inuu socdo dadaalka lagu raadinayay xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara Israa’iil iyo Sacuudiga, markaasoo ay go’doon la kulmi lahayd Iran, balse wixii ka dambeeyay dagaalka Qasa, waxaa dhismay xiriirka Riyadh iyo Tehran oo markan meesha ka saaray Israa’iil, iyadoo sarkaal Sacuudiyaan ah oo ku dhow boqortaayadda uu u sheegay wargeyska in labada dal ay marayaan hab ay ku tijaabinayaan daacadnimada xiriirkooda, haddii dhinaca Iran laga helana iskaashi dhab ah markaa Sacuudiga wuxuu soo bandhigi doonaa iskaashi iyo xiriir wadaag ah oo labada dal ah.

Iskaashiga Sacuudiga uu la yeelanayo Iran ayaa sidoo kale meesha ka saaraysa cabsida ay Boqortooyadda Khaliijka ka qabto inay dhibaato kala kulanto kooxaha Iran ay taageerto oo ay ugu horreeyaan Xuutiyiinta, hadda horumarka ka muuqanaya xiriirka labada dhinac wuxuu dhabar jab diblomaasiyadeed ku yahay Mareykanka gaar ahaan maamulka Biden ee dimuqraadiga oo isku dayay in heshiis taariikhi ah uu dhex dhigo Tel aviv iyo Riyadh.

Mareykanka wuxuu ku guul-darraystey joojinta dagaalka Qasa waxay burburisay diblomaasiyadiisa awoodda lahayd ee bariga dhexe, haddana Sacuudiga wuxuu ku adkeynaya kaliya inuu xiriir diblomaasiyadeed la sameyn karo Israa’iil marka ay aqoonsato dawladda Falastiin ee caasimad ay u tahay bariga Qudus, taasoo aysan dooneyn dhinaca Tel-aviv.

WARARKA