spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Turkiga oo wafdi culus usoo diray Soomaaliya

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho usoo dirtay wafdi culus oo si diiradan loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdigan oo uu horkacayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga, waxaana qeyb ka ah wafdigaan mas’uuliyiin ka socota wasaaradda tamarta iyo kheyraadka ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in imaatinka wafdigan uu la xiriiro qorshaha markabka Turkiga uu usoo diray xeebaha Soomaaliya, kaas oo sameyn doono sahmin shidaal oo rasmi ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wafdigan kusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa sheegay inay farxad u tahay inay soo gaaraan mas’uuliyiin sar sare oo ka socda xukuumadda Ankara oo saaxib la ah Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu wasiirku rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysan doonaan qorshaha sahminta oo ay kala kaashan doonaan dowladda Turkiga.

Markabka Oruç Reis oo sameyn doono baarista shidaalka ayaa dhowaan kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, wuxuuna kadib toos usoo caga dhigan doonaa xeebaha Soomaaliya.

Sida qorshaha uu yahay markabkan wuxuu kusoo xiran doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhamaadka bishan October, ayada oo la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.

Si kastaba, tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

WARARKA