spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Doowladda oo Sheegay in aay Dileen Horjooge Ka Tirsanaa AS

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC}  Ciidamada Jubbaland ayaa howlgal ka dhacay waqooyiga gobolka Jubada hoose ku khaarijiyay Horjoogihii Al-shabaab ugu sareeyay dhinaca qaraxyada iyo koox kale oo la socotay

Waxaa magaciisa lagu sheegay sarkaalka la dilay Goobe Sida aan soo xiganay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland

Howlgalkan ayaa yimid ka dib dhawaan la helay xogta in gobolka Jubada hoose meelo ka mida ay socdaal ku yimaadeen horjoogayaal sar-sare, waxayna helitaanka xogtaasi sahashay in dhawaanahan la joogteeyo howlgalada ka dhanka ah al shabaab

Deegaan dhaca aagga howdka Dhasheek waamo ayuu ka dhacay dhowlgalkan waxaana sarkaalkan lala khaarijiyay todobo dagaalyahan oo isaga la socotay kuwaasoo ku jiray safarka degaano kale.

WARARKA