spot_imgspot_imgspot_img

Xoghayaha Arrimaha-dibedda Mareykanka, oo hal-haleel kaga baxay Talaabiib

Abaco 23 Oct 2024 {HMC} Xoghayaha Arrimaha-dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa hal-haleel kaga baxay Talaabiib, ka dib markii ay badatay tirada gantaallada Lubnaan ka imanaya ee soo gaadhaya magaaladaasi.

Blinken oo ku sii jeeda Sucuudi Careebiya ayaa weriyaasha u sheegey in loo baahan yahay; in la joojiyo dagaalka, xoogagga Falastiina ay siidaayaan maxaabiista YH.

Reuters waxa ay ku warrantay in Saraakiisha Mareykanka ee Blinken wehelisa iyo weriyaasha socdaalka qaybta ka ah ay ‘god’ ku carareen markii uu iyaga oo quraacanaya uu soo yeedhey qeylada gantaal ka yimi Lubnaan.

Dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay hogaaminayaan Mareykanka, Masar, iyo Qatar si loo gaadho xabad-joojin iyo heshiis isdhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya Israa*l & Xam*s ayaa guuldareystay diidmada Netanyahu ee ah in uu joojiyo dagaalka.

Tirada dhimashada Qasa waxa ay kor u dhaafaysaa 42.7k, halka dhinaca Lubnaana ay ka badan tahay 2500 oo ruux.

WARARKA