spot_imgspot_imgspot_img

Xisbullaah oo dishay Taliye sare oo katirsanaa Ciidamada Israa’iil.

Arbaco 23-Octo-2024 {HMC} Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ciidamada milatariga Israa’iil kasoo gaaraya dagaalka ay kula jiraan ururka Xisbullaah ayaa sii kordhaya, waxa ayna Israa’iil awoodi ladahay in ay soo afjarto ururka xoogga badan ee Xisbullaah.

Dagaallo xooggan oo shalay ka dhacay xadka koonfurta dalka Lubnaan , ayaa lagu dilay sargaal iyo ciidamo kale oo Israa’iiliyiin ah, waxaana dadka la dilay ku jiray taliye ku-xigeenka guutada 9308-aad ee ciidanka milatariga ee Israa’iil,

Sargaalkan ayaa la sheegay in lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay dhinaca xadka , warbaahinta caalamka qaarkood ayaana tabinaya in Israa’iil qarineyso dimashada askar baan iyo saraakiil looga dilay dagaalka ka socda xadka dalka Lubnaan.

Ciidamada Israa’iil ayaana isku dayay in dagaal ku joojiyaan duqeymaha xooggan ee Xisbullaah ku garaacayaan gusaha Israa’iil, waxa ayna milatariga Israa;iil ku adkaatay in ay xoog ku galaan goobaha ay joogaan dagaalyahannada Xisbullaah.

Inta badan magaalooyinka dhulka ay Israa’iil heysato oo ay ku jirto Tel Aviv, ayaa la sheegay dad badan 1 milyan oo Israa’iiliyiin ah in ay maalintii labaad ka soo bixin waqooyiga guryahooda, halka xaalad amni lagu soo rogay agaalada Tel Aviv.

WARARKA