spot_imgspot_imgspot_img

Ghana waxay caan ku tahay inay ka mid tahay dalalka ugu xasilloon dimuqraadiyadda Afrika

Abaco 23 Oct 2024 {HMC} Afhayeenka baarlamaanka Ghana ayaa hakiyay hawlihii socday muddo aan la cayimin ka dib markii ay soo baxeen muuqaalo buuq badan oo ka dhacay aqalka, taas oo ka dhalatay muran ku saabsan xisbiga uu haysto aqlabiyadda baarlamaanka.

Todobaadki hore ayaa la ogaaday in afar xildhibaan ay u bedeshay garab istaaga una tartami doona xisbiyada kala duwan doorashada guud ee dhaceysa 7 December.

Guddoomiyaha baarlamaanka Alban Bagbin ayaa markaas sheegay in kuraastooda ay bannaan tahay, isagoo ku dooday in dastuurka uusan ogoleyn in xildhibaannada baarlamaanka ay goostaan.

Baarlaman dheeli tiran, go’aankaas – oo maxkamad looga soo horjeedo – waxay ka dhigan tahay in mucaaradka National Democratic Congress (NDC) uu noqday xisbiga aqlabiyadda.

Ghana waxay caan ku tahay inay ka mid tahay dalalka ugu xasilloon dimuqraadiyadda Afrika – laakiin natiijada codadka baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa u muuqda inay aad isugu dhow

WARARKA