spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Kawada Hadleen Madaxweyne Xasan iyo William Ruto?

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay gaaray Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi halkaasi oo uu Maanta Shir kula yeelanayo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ayay ku shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Xalay u hoyday magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya halkaasi oo uu Wada-hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi William Ruto.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada-hadli doonaa Qodoba ay kamid yihiin Xoojinta Iskaashiga labada Waddan ee Arrimaha Gobolka iyo sidoo kale Marxaladda kala guurka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waddanka Kenya ayaa qeyb ka ah Socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlayo Marxaladda Kala guurka Hawlgalka ATMIS.

WARARKA