spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaale iyo Hogaanka Ururka Haweenka Gobolka Banaadir oo Kulmay

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay hogaanka ururka Haweenka Gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Kulankan oo ay soo agaasintay guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa ujeedkiisu ahaa in Duqa Muqdisho uu ka dhageysto warbixinno la xariira baahiyaha ay qabaan gabdhaha ururka haweenka iyo marxalaha ay ku shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa haweenka Soomaaliyeed ku amaanay sida ay laf dhabar ugu yihiin horumarka dowladnimada, dib u-heshiisiinta iyo dib usoo kabashada dalka, isaga oo balan qaaday in sida ugu macquulsan uu wax uga qaban doono baahiyaha ay qabaan.

WARARKA