spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Israa’iil oo gacanta kusoo dhigay dad jaajuus u ahaa sirdoonka IIRAAN.

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Ciidamada ammaanka ee maamulka Israa’iil , ayaa gacanta ku dhigay dad ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa Iran, kuwaa xoggo sirdoon oo xasaasi ah siinayay siroonka dowladda Ilaalada Kacaan ee Iran.

Wargeyska Walla ee kasoo baxay Israa’iil , ayaa ku warramay inay laamaha ammaanka Israa’iil gacanta ku dhigeen toddob qof oo u dhashay Israa’iil , kuwaa oo ku eedeysan inay la shaqeynayeen sirdoonka dowladda Iran.

Waraysi dadkan la xir xiray laga qaaday ayey ku sheegeen in ka badan 600 oo bartilmaameed oo gudaha Israa’iil ah oo ay qorsheynayaan wakiillada Iran inay weerarro ka fuliyaan, xogtan goobahan ayaana si hoose loo siiyay sirdoonka Israa’iil.

Laamaha ammaanka ee Israa’iil, ayaa ka wel welsan duqeymo iyo weeraro ka dhacay gudaha Israa’iil, kuwaa oo lala helay bartilmamaeedyo ciidan iyo guriga Ra’isul Wasaare Binjamin Netanyahu, waxa ayna tuhmayaan ciidamada ammaanka in xoggo si hoose loo bixinayo.

Sirdoonka Iran ayaa baadigoob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen xoggo sirdoon oo gudaha Israa’iil, xilli ay Iran diyaarineyso weeraro aargoosi ah haddii ay Israa’iil weeraro kusoo qaado gudaha Iran, gaar ahaan goobo istiraatiiji ah.

WARARKA