spot_imgspot_imgspot_img

Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta Yeelatay RW Ku Xigeen

Isniin 21-Octo-2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad oo ay yeelanayso Xukuumaddiisa.

Xamse ayaa Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirka Hawlaha guud u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka sida uu shaaciyey afhayeenka Xukuumada Farxaan Maxamed Jimcaale

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale Wasiirka Hawlaha guud oo uu banneeyay Cabdisalaan Cabdi Cali waxa uu u magacaabay Cilmi Maxamuud Nuur oo hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda DFS.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa noqotay Xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen labaad, kaddib Dowladdii KMG aheyd

Mudda xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xukuumaddii u horraysay ee uu magacaabay waxay yeelatay hal Ra’iisul Wasaare kuxigeen taasoo meesha ka saartay Ra’iisul Wasaare ku xigeenadii labada ahaa oo haatan dib loo soo cedliyey.

Sidoo kale Xamse magacaabay Wasiiro iyo Wasiiru dowleyaal cusub oo kala ah:-

1-Wasiirka Shaqada & arrimaha Bulshada
Yuusuf Maxamed Aadan

2-Wasiirka gaadiidka badda iyo dekedaha
Maxamuud Axmed Aadan

3-Wasiiru dowlaha Cadaalada iyo dastuurka
Ilyaas Shiikh Cumar Abubakar

4-Wasiiru dowlaha Batroolka iyo macdanta
Ismaaciil shire Jaamac

5-Wasiiru dowlada qoyska iyo xuquuqda aadanaha
Maxamed Cusman Cumar

6-Wasiiru dowlaha shaqada & arrimaha bulshada
Ceynaanshe Yusuf Xuseen

7-Wasiiru dowlaha kaluumeysiga & dhaqaalaha buluuga ah
Maxamed Yusuf Xasan

8-Wasiiru dowlaha Wasaarada ganasiga & Warshadaha
Maxamed Nuur Abubakar

WARARKA