spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaanada Soomaaliya oo Ka Dooday Xisaab Xirka Sanad Maaliyadeedkii 2023

Isniin 21-Octo-2024 {HMC}  Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa wadajirka ah ee sedaxaad,waxaana shir Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee warbixinta xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaanna Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka uu xubnaha labada Aqal u faahfaahiyay warbixinta xisaabxirka miisaaniyaddii 2023.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaana Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare oo kulanka soo xiray uu sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay ka doodista xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023 islamarkaana guddiga maaliyadda ee labada Aqal dib loogu celiyay si uu usoo diyaariyo Akhrinta sedaxaad dibna Golaha uu ugu soo celiyo.

WARARKA