spot_imgspot_imgspot_img

Dambiyada iyo shilalalka ka dhacay soomaaliland sanadkii lasoo dhaafay oo lasoo saaray.

Isniin 21-Octo-2024 {HMC} Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyay tirada fal dambiyeed iyo shilalkii gaari ee ay dad ku dhinteen 12-kii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay guud ahaan Somaliland, kuwaasi oo badi dadkii ku lugta lahaa la soo qab-qabtay

Warbixinta booliska ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka dhaceen in ka badan 28 kun oo fal dambiyeed oo dilal iyo kufis ay ku jiraan iyo sidoo kale in ka badan siddeed kun oo shil gaari.

Munaasabad lagu maamuusayay 31-guuradii ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay ciidanka booliska Somaliland ayaa warbixinta lagu soo bandhigay iyadoo uu goob joog ahaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Shilalka gaadiidka ee sanadkan dhacay waxay ahaayeen guud ahaan 7,018, dhimashada ka timid waxay aheyd 188. Sidoo kale mukhaadaraadka la qabtay waxay ahaayeen 4,934 liter oo khamri ah, 50kg oo xashiishad ah,” ayaa lagu yiri warbixinta booliska.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in si weyn loo tayeeyay ciidanka booliska, oo kaalin muhiim ah ka ciyaara amniga ay ku naaloonayaan shacabka reer Somaliland.

“Ciidanka waxaa uu sameeyay horumar ballaaran, ayada oo sare loo qaaday tababarkooda, una diyaarsan yihiin xaalad walba,” ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska Somaliland.

Si kastaba, Somaliland oo lagu yaqaano xasilooni ayaa haddana waxaa ka dhaca fal dambiyeed kala duwan oo qarkood ay ka sababaan dhimasho iyo dhaawac.

WARARKA