spot_imgspot_imgspot_img

Sargaal Katirsanaa Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku dilay iyo Nisa oo…..

Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Ciidamo katirsan nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, ayaa la sheegay in gurigiisa hortiisa ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabayay labo xidugle Hanad Axmed Muuse, falkan dilka ah ayaana ka dhacay xaafada Macalin Nuur ee ku dhaw isgooska Ex-koontarool.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ciidanka nabadsugidda ee dilka geestay iyo sargaalka la dilay ay murmeen , kaddibna sargaalka lagu dhuftay dhowr xabbadood sidaasna ugu geeriyooday, waxaana goobta isaga baxsaday ciidankii dilka u geestay.

Meydka sargaalka la dilay ayaa loo qaaday xaruta damnbi baarista CID-da halkaas oo baaritaanno lagu sameenayo, mana jiraan wax war ah oo laamaha ammaanka gaar ahaan booliiska kasoo saareen dilka loo geestay sargaalkan katirsanaa ciidankooda.

Ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaramka ayaa muddooyinkan bilaanbay in ay ugaarsadaan askarta kale ee ciidanka katirsan, isbuucii hore ayey aheyd markii ciidamo la sheegay in NISA katirsanaayeen ku dileen degmada Afgooye sargaal ciidan iyo askar ilaalo u aheyd.

WARARKA