spot_imgspot_imgspot_img

Isra’il oo duqeysay culus ka fulisay Beyrut iyo Gaza.

Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Saacado kaddib marki uu ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu sheegay in diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn lagu bartilmaameedsaday gurigiisa xilli uu ka maqnaa, ayay millatariga Isra’il Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalooyinka Beyrut iyo Gaza.

Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in Netanyahu uu ka maqnaa guriga, balse ma cadda in hooygiisa la wax yeelleeyay iyo in kale. Natanyahu ayaa falkaasi ku dilmaamay isku day dil, iyo qalad weyn oo laga shallay doono.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeymo ay millatariga Isra’il ku garaaceen guryo dabaqyo ah oo ku yaalla degmada Beyt Laxiya ee waqooyiga Gaza ay ku dileen ugu yaraan 73 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tobnaan kale.

Ilaha caafimaadka ee isbitaallada Gaza ayaa iyaguna sheegay, in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Isra’il ku dishay guud ahaan Gaza in ka badan 100 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.

Isla Sabtidii shalay, diyaaradaha Israel ayaa ku daadiyay koonfurta Gaza waraaqo lagu dhajiyay sawirka Sinwaar lana soo raaciyo farriin ah: “Xamas mar dambe ma xukumi doonto Gaza”.

Dhinaca Lubnaan, nawaaxiga koofureed ee Beyruut ayay milatariga Isra’il duqeymo culus ku bartilmaameedsadeen sida ay xaqiijiyeen ila wareedyada iyo sawirro laga soo qaaday xarumaha la qarxiyay.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen bakhaarrada hubka ee Xisbullah iyo xarumaha dhexe ee dhinaca mukhaabaraadka.
Wali lama oga khasaaraha dhimashada.

Dhanka Isra’il, milatariga ayaa sheegay in dhinaca Lubnan looga soo tuuray ilaa 200 oo gantaal. Ilaha caafimaadka Isra’il ayaa sheegay in nin 50 jir ah uu ku dhintay kaddib marki uu madfac ugu tagay waqooyiga Isra’il, sidoo kale afar qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen.

WARARKA