spot_imgspot_imgspot_img

Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis kala saxiixday.

Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay;

1- Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoi la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

2- Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM.

3- Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

4- Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo xiisad u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka taagan tahay gobolka, taasi oo ka dhalatay heshiiska ay Addis-Ababa la saxiixatay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan kama dambeys 31-ka December, haddii aanay ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland.

Ciidamada Itoobiyaanka waxay dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya dhamaadka sanadkan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay.

WARARKA