spot_imgspot_imgspot_img

Doowladda Soomaliya oo War Kasoo Saartay Howlgalo Laga Fuliyay Gobalka Mudug

Sabti 19-Octo-2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya , ayaa lagu shaaciiyay in Ilaa 30 ka tirsan Al Shabaan lagu dilay tiro intaasi ka badana lagu dhaawacay howlgal ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal Ka Tirsan AS iyo Xubna badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay:-

1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo AS ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha AS u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

In ka badan 40 AS ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Khawaarijtu isku qarinayeen.

WARARKA