spot_imgspot_imgspot_img

Cashuur Hadal Haayn Dhalisay oo Lagu Soo Rogay Reer Muqdisho

Sabti 19 -Octo-2024 {HMC} Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabatay Diiwaan-Gelinta dadweynaha waxaana lagu qaadan doonaa $10 qofkiiba

Lacagtan ayaa lagu tilmaamay mashruuc cusub oo hanti lagu sameynayo.

Qofka isagoo socda ayaa la qabanayaa, guryaha ayaa la tagayaa ilmaha saqiirrada ah lama cafin doono, meydka, Waayeelka iyo hooyada waa ku jiraan sidoo kale dadka is furay iyo kuwa guursanaya ayaa ka mid ah xitaa caruurta dhalata waa la canshuurayaa sida uu sheegay Maamulka gobolka Banaadir.

Barnaamijkaan waxa uu ahaa Mashruuc ay asalkiisa waday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Taliska NISA, waxa uuna ahaa lacag la’aan, laakiin markii uu xogtaas helay maamulka gobalka Banaadir ayaa uga hormaray oo lacagna ka dhigay.

Agaasimaha Waaxda dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdirashiid Cabdullahi Salaad (Wadaad yare) ayaa maanta Hogaamiyey ollolahan oo loo bixiyey diiwaan gelinta dadwaynaha Gobolka Banaaadir, kaasoo laga bilaabay Degmada Shingani.

Diiwaan gelintan ayaa laga samayn doonnaa 20ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

“34 sano kadib waxaan maanta oo sabti ah bilaabi doonnaa diwaangelinta dadweynaha ee qoys iyo qofba.” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista Cabdirashiid Wadaadyare.

Canshuurtan magaca cusub loo bixiyey oo ka yaabisay dad badan ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada waxayna ku soo beegantay xili shacabka Muqdisho lacag looga qaatay nooc walba oo canshuur ah sida mida guryaha oo labo nooc ah, ganacsiga noocyadiisa, canshuurta ee laga rabo qofka wax iibsanaya iyo canshuuro kale oo magacyo kala duwan loola baxay, lamana oga sida canshuurtan cusub ay ay dadku u soo dhoweyn doonaan.

 

WARARKA