spot_imgspot_imgspot_img

Maxkamadda Sare ee Kenya oo si kumeel gaar ah u hakisay go’aanka xil ka xayuubinta Madaxweyne Kuxigeenka

Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay go’aanka Aqalka Senate-ka uu xil ka qaadista ugu sameeyay Madaxweyne Kuxigeenkii Kenya Rigathi Gachagua. Tan ayaa timid wax yar uun kaddib markii xildhibaannada wadankaasi ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen magacaabista William Ruto ee Madaxweyne Kuxigeenka cusub oo ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha.

Maxkamadda ayaa si kumeel gaar ah u hor istaagtay badalka lagu sameeyay Rigathi Gachagua illaa kiiskan ay ka dhagaysanayso 24 bishan Oktoobar.

Qareenka Rigathi Gachagua ayaa su’aal ka keenay degdegta uu Barlamaanku ku badalay Madaxweyne Kuxigeenka.

Madaxweyne William Ruto ayaa si dhakhso leh ugu magacaabay wasiirkiisa arimaha gudaha Professor Kithure Kindiki in uu noqdo Madaxweyne Kuxigeenka cusub, waxana magacaabistaasi ogolaaday 236 xildhibaan oo cod u qaaday.

Sharciga ayaa u ogolaanaya Madaxweynaha in uu ku soo magacaabo Madaxweyne Kuxigeen 14 maalmood guduhood iyo in Barlamaanku cod ugu qaado muddo 60 maalmood ah.

Illaa hadda, afar dalab ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Sare si loo joojiyo badalka lagu sameeyay Rigathi Gachagua.

WARARKA