Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Kama Dambeysta Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay Galabta wada Ciyaarayaan Kaaraan iyo Gubadley

Jimco 18-Oct-2024 {HMC}  Ciyaar xiiso leh ayaa la filayaa in goordhow ay ka bilaabato garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho taas oo ah kama dambeysta koobka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Kooxaha kubadda cagta ee kala matalaya degmooyinka Kaaraan iyo Gubadleey ayaa soo gaaray ciyaarta ugu dambeysa ee final ka koobka kaddib markii ay ka soo adkaadeen kooxihii ay la soo ciyaareen kulamadii afar dhammaadka.

Taranka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir oo ay weheliso degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa soo bilowday sideedii bishii hore ee September, waxana maalmaha la ciyaarayo u daawasho taga kumannaan dadweyne ah oo ciyaarraha xiiseeya.

Kooxda kubadda cagta ee degmada Kaaraan ayaa afar dhammaadka tartanka ka soo adkaatay kooxda degmada Dharkenley, halka Gubadley ay ka soo badisay kooxda degmada Daarusalaam.

WARARKA