Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Hoggaamiye ka tirsan Xamaas“Masiirkeenu labo mid uun, shahaado ama guul”.

Jimco 18-Oct-2024 {HMC}  Waxa uu sheegay Baasim Naciim oo ah hoggaamiye ka tirsan Xamaas in Israa’iil rumeysan tahay wax u muuqda in dilka hoggaamiyayaasheena ay ka dhigan tahay “dhammaadka xarakadeena iyo halganka Falastiin”.

Waxa uu intaa ku daray “ha rumeystaan waxa ay doonayaan, maaha markii ugu horraysay oo ay sidaa oranayaan”.

Naciim ayaa soo qaatay hadalladii hore ee Israa’iiliyiinta “hadalladaas oo kale way soo celceliyeen markii la dilay Sheekh Axmed Yaasiin, Dr Cabdicasiis Rantiisi iyo hoggaamiye Salaax Shaxaadah”, waxa uu intaa ku daray “Xamaas mar kasta way ka sii xoog iyo shacbiyad badnaanaysay sidii hore, waxayna u noqdeen hoggaamiyayaashaas la dilay jiilasha xiga haldoor ay tiigsadaan si ay u sii socoto safarka halganka xoriyadda Falastiin”.

Waxa uu ku tilmaamay Xamaas dhaqdhaqaaq xornimo doon “oo ay hoggaaminayaan shacab doonaya xoriyad iyo karaamo, taasina suuragal maaha in laga adkaado”.

Naciim waxa uu yiri “Waxan rumeysan nahay in masiirkeenu labo mid uun yahay shahaado ama guul”.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaa wax laga xumaado oo laga murugooda ah in aan wayno shakhsiyaad qiimo badnaa iyo hoggaamiyayaal naadir ah. Waxa aan hubnaa in aan guuleysan doono aakhirka, waa natiijada kuwa u halgamay xoriyaddooda darteed”.

WARARKA