spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.

Jimco 18 Act 2024 {HMC} Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa Jimcaha maanta ah ka dhacay duqeyn xooggan oo ay fuliyeen diyaaradaha duulliye la’aanta ah ee saaxiibada Dowladda Federalka ka caawiya dhinaca weerarrada cirka ah.

Deegaannadaas duqeynta ka dhacday, waxaa howlgallo xooggan kawada Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya iyo kuwa deegaanka ee Macawiileyda oo saldhigyo ka sameystay meelo aanay sidaa uga fogeyn sida ay sheegeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka.

Weli wax faah-faahin ah kama soo bixin Dowladda Federaalka iyo Taliska Maraykanka u qaabilsan howlgallada Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM oo inta badan iska kaashada weerarrada cirka ah.

Todobaadkii hore sidaan oo kale ayay duqeymo xooggan uga dhaceen deegaannadaan waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in lagu dilay tobonneeyo xubnood oo katirsan ‘AS’ kuwaas oo ku sugnaa goobaha la beegsaday.

 

WARARKA