Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii ugu Dambeeyay dagaal ka dhacay magaalada Xudur .

Khamiis 17-10-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dagaalku wuxuu yimid markii xubno ka tirsan al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20km u jira degmada xudur.

Dagaalka ayaa socday saacado badan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray labada dhinac. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxaana la xaqiijiyay in hal askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka uu dhintay. Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya in al-Shabaab ay khasaare soo gaartay, iyadoo la qabtay xubno ka tirsan kooxda oo dhaawacmay.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka hortageen weerarkaasi, isla markaasna ay hadda ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Xudur ayaa tilmaamaya in xaaladdu ay hadda deggan tahay, laakiin laamaha amniga ayaa ku howlan hawlgallo ay amniga ku xaqiijinayaan.

Maalmahan, ciidamada militeriga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa howlgaladooda ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolada Bakool iyo Baay.

 

WARARKA