Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wafdi Dowlada Soomaaliya ka socda oo Gaaray Furumaha Dagaalka Galgaduud.

Khamiis 17-10-2024 {HMC}  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa gaaray deegaanka Girileey oo hoos yimaada degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud.

Safarka Wasiirka ayaa imaanaya xilli deegaankaasi uu shalay ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo dagaalyahannada Al-Shabaab (AS).

Markii uu Wasiirka gaaray deegaanka, waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, oo hoggaaminaya howlgallada ka socda bariga gobolka Galgaduud. Jeneraalka iyo saraakiisha kale ee hoggaanka ciidanka ayaa warbixin ka siiyay Wasiirka xaaladda dagaalka iyo guulaha ay ka gaareen la dagaallanka Al-Shabaab.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanka Girileey iyo nawaaxigeeda ayaa lagu wadaa in la sii labo-jibaaro, iyadoo ay qorshuhu tahay in si buuxda looga sifeeyo AS. Deegaankan ayaa bilihii u dambeeyay noqday goob dagaallo culus ay ka socdaan, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay si wadajir ah ula dagaallamayaan kooxda Al-Shabaab si ay u xoreeyaan guud ahaan gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii wadaan dadaalladooda, isagoo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in gobolka Galgaduud iyo guud ahaan dalka laga saaro argagixisada Al-Shabaab.

 

WARARKA