Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo dib ugu laabtay.

Khamiis 17-10-2024 {HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Magaalada Muqdisho ku sugnaa, ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku Meel Gaarka uah Dowladda Koonfur Galbeed

Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, XIldhibaano, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen , ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ugu sugnaa ka qeybgalka shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee fashilka kusoo dhammaaday, kaddib markii shirkaasi isaga baxay Axmed Madoobe la iskuna fahmi waayay qodobadii lagu heshiin lahaa.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya , ayaa qoraal xalay soo saaray ku shaaciyay in shirka Golaha Wadatashiga Qaran dib la isugu soo laaban doono 26ka bishan, waxaana la filayaa in madaxda maamulada ee wali jooga Muqdisho dib ugu laabtaan deegaannadooda.

WARARKA