Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaabiis ka baxsatay Saldhiga Booliska Baladweyne.

Arbaco 16-Octo-2024 {HMC} Faah faahin dheerad aha ayaa laga helayaa Maxaabiis Manta ka baxsatay Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne, Maxaabiista ayaa ku eedeeysneeyd Dambiyo kala duwan sida ay Hiiraanweyn usheekeyn Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada.

 

Maxaabiista Xabsiga dhaxe ka baxsatay ayaa tiradooda Lagu sheekey 3 Dhalinyaro ah, waxaana kamid ahaa dhalinyaro Wado Baabuur ku dilay Deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan kuwaas oo mudooyinkii dambo ku xirnaa Saldhiga Booliska Magaalada.

 

Maxaabiista baxsatay ayaa ku xirneed Qeeybta CID ee Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne, waxaana ay baxsadeeyn kadib markii Banaanka loo soo daayay si ay u Quraacdaan.

 

Booliska Baladweyne ayaa Xabsiga dhigay Fura-hayahii Maxaabiista Baxsatay. Waxaana socda Dadaalo lagu Raadinayo ama lagu soo qabanayo Maxaabiistaas. 20 Bishii September ee sanadkan ayey aheeyd Markii Sidaan oo kale Saldhiga Booliska Baladweyne ay uga baxsadeeyn Maxaabiis ku xirneeyd.

 

Sidoo Kale Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa Sheegay in ay ku raad-joogan Maxaabiista Baxsatay

WARARKA