Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ganacsato Dil Loogu Geeytsaty Goobahooda Ganacsi oo Ku Yiilaya Muqdisho

Arbaco 16-10-2024 {HMC} Kooxo hubeysan oo la tuhmayo in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab , ayaa goordhaw xaafada Soonakey ee degmada Hodan waxa ay ku toogdeen dhallinyaro goobo ganacsi ku lahaa xaafadaasi, kuwaa oo loo dhibaateeyay kaliya in ay xirteen kaamirada CCTV darteed.

Ragga hubeysan ayaa galay labo dukaan oo iska soo horjeeda kuna yaalla xaafada Soonakey, waxa ayna hal mar wada toogteen saddex nin oo dhallinyaro ah , kuwaa oo ka shaqeenayay dukaamada ay Al Shabaab weerarka ku qaadeen.

Inta la xaqiijiyay labo nin oo kamid haa ragga la toogtay ayaa goobta ku geeriyooday, waxaa sidoo kale dhaawac ahaan goobta looga qaaday nin kale, waxaana goobta si caadi ah isaga baxsaday kooxdii hubeysneed ee toogashada geesatay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta dilalka ka dhaceen ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaanno, waxa ayna ciidamada durba muuqaallo kala baxeen kaamirooyinkii ku xirnaa dukaamada la weeraray , si ay u aqoonsadaan ragga dilalka geestay.

Maalmo kahor ayaana sidaan oo kale degmooyinka Dayniile iyo Hiliwaa waxaa uga dhacay dilal salka ku hayay kaamirooyinka ganacsatada xirteen, waxaana hadda xaalad cabsi ah lasoo daristay ganacsatada Soomaaliyeed oo wajahaya labo daran mid dooto.

WARARKA