Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xubin ka Tirsanaa AS oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Doowladda

Arbaco 16-10-2024 {HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Mudug, ayaa waxaa isku soo dhiibay nin la sheegay in uu ahaa sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaddib xiriiro uu lasoo sameeyay ciidanka.

Ninkan isku soo dhiibay ciidanka huwanta ah oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin Ahmed Afgarashadu tahay ( Cabdisamad), ayaa ka howlgalay aaga deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxa uuna kasoo qeyb qaatay dagaallo badan.

Wareysi uu bixiyay sargaalkan kasoo goostay kooxda Al Shabaab ayuu ku sheegay in muddo sagaal sanno uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , waxa uuna xusay in uu qeyb ka ahaa dagaallo badan oo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka , ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay soo dhaweenayay dagaallamayaal katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaa oo go’aansaday in safka kooxda kasoo baxaan iskuna soo dhiibaan dhinaca dowladda oo dhaqancelin gelisa.

WARARKA