Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAAWO SAWIRADA} Taliyaha Booliska oo Kulan La Qaatay Culumada Soomaliyeed

Arbaco 16-10-2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay in ay ka qayb qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dabar goynta fikirka xagjirka ah ee Khawaarijta.

Kulankan oo uu ka qayb galay Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) ayeey culimadu kusoo bandhigeen talooyin ku aaddan ilaalinta ammaanka dalka, dowlad dhiska iyo la dagaallanka aragtiyada gurracan ee kooxaha Khawaarijta ah.

WARARKA