Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

RW Israa’iil oo Wadahadal Dhinaca Telfoonka la Yeeshay Joe Biden

Talaado 15-10-2024 {HMC} Maamulka Israa’iil ayaa u xaqiijisay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka in weerar aargoosi ah ku qaadi doonaan gudaha dalka Iran, xilliga laga walaacsan yahay nuuca uu noqon doono weerarka aargoosoga ay Israa’iil qaadeyso iyo goobaha bartilmaameedka u ah.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil oo wadahadal dhinaca telfoonka la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayuu u sheegay in weerarka aargoosiga ah in aan lagu beegsan doonin xarumaha nukliyeerka ama saliidda, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, The Washington Post ayaa ku warantay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu u sheegay Aqalka Cad weerar rogaal celis ah oo uu ku fikirayo in lagu bartilmaameedsado goobaha militariga oo keliya.

Wargeyska Wall Street Journal oo isna soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo aan magacooda la shaacin, ayaa sheegay in ballanqaadkan uu ku yimid wadahadal dhex maray Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Netanyahu , iyo wada-hadallo maalmihii u dambeeyay dhexmarayay Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin iyo dhiggiisa Israel, Yoav Gallant.

Israa’iil ayaa ballanqaaday in ay weerar celin doonto kaddib markii Iran ay 1-dii October gantaallada ballistic-ga ah ku ridday dalkeeda, taas oo jawaab u ah dilka Israa’iil u geesatay hoggaamiyayaasha taabacsan Tehran ee gobolka, oo uu ku jiro Hezbollah’s Hassan Nasrallah.

Weerarka aargoosiga ah ee Israa’iil ku qaadeyso Iran , ayaa laga cabsi qabaa in uu uga sii daro xaalada bariga dhaxe, waxa uuna weerarka Israa’iil qorsheeneyso isna dhalli nkaraa weeraro kale oo isna aargoosi ah ay qaado dowladda Iran.

WARARKA