Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Kawada Hadleen Ra’isul Wasaare Xamse iyo James Swan?

Talaado 15-10-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda sida xasillinta deegaannada laga xoreeyay Al Shabaab.

Sidoo kale kulankan maanta dhax maray Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo James Swan ayaa looga halay hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod oo ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyo arrimaha bini’aadanimada.

Kulankan bayaa imaanaya xilli Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan , dhawaan tagay magaalada Kismaayo uuna halkaasi kula soo kulmay Madaxweynaha Jubbaland oo shirkii Madasha ka baxay kuna laabtay Kismaayo.

WARARKA