Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo sheegtay sida ay uga aargoosanayaan weerarkii ay ku qaadday IRAN.

Talaado 15-Octo-2024 {HMC} Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in go’aanka looga aargudayo Iran weerarkii gantaallada ballistic-ga ah ee laba toddobaad ka hor uu ku salaysnaan doono baahida ammaanka ee Israa’iil.

Hadalka xalay ayaa jawaab cad u ahaa warbixin uu qoray wargeyska Washington Post oo lagu sheegay in Mr Netanyahu uu u sheegay madaxweyne Biden inuusan bartilmaameedsan doonin shidaalka Iran iyo goobaha nukliyeerka.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Israa’iil ay xaddidi doonto weerarkeeda aargoosiga si ay uga fogaato in ay saamayn ku yeelato doorashada Maraykanka ee bisha soo socota.

Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in aanu taageersanayn duqaymaha Israel ee xarumaha la Nukliyeerka. (Labada nin ayaa telefoonka ku wada hadlay Arbacadii ina dhaaftay markii ugu horreysay muddo ka badan 40 maalmood.

Dhanka kale Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn naadir ah oo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen waqooyiga Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

Duqeynta ayaa haleeshay dhismo dad ay degan yihiin oo ku yaala Cayto..Aitou, oo ah tuulo ay ku badan yihiin dadka masiixiyiinta ah , kana fog goobaha ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen kumannaan weerar oo lala beegsaday kooxda Shiicada ah ee Xisbullah ee hubeysan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qoys dhawaan ka barakacay dagaalka ay ku noolaayeen halka duqayntu ka dhacday.

Milatariga Israa’iil ayaan si degdeg ah uga hadlin wararkaasi.

Duqaynta ayaa dhacday iyadoo Raysal wasaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu wacad ku maray.

Raysal wasaaraha ayaa booqasho ku tagay saldhiga Militariga Israa’iil eek u yaalla waqooyiga Israa’ill halkaas oo ay diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Xisbullah leedahay ku qarxeen ka dibna ay dhalisay dhimashada afar kari oo ka tirsan ciidamada Israa’iil tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

“Wax walba waxay ku xiran yihiin tixgalinta hawlgalka. Arrintaas waanu caddaynay dhawaan, waxaanan sii wadi doonnaa caddaynta maalmaha soo socda sidoo kale,” ayuu raaciyay.Natenyahu.

Milatariga ayaa sheegay in ay baarayaan sida ay diyaarada aan duuliyaha lahayn ay uga baxsatay nidaamka difaaca hawada ee casriga ah, ayna ku garaacday xarunta tababarka Guutada Golani oo ku dhow magaalada Binyamina.

Waxay ahayd mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee Xisbullah ay ku ay ku qaado Israa’iil in ka badan hal sano oo dagaal xudduud ah uu socday kaas oo ka dhacay dagaalka Qasa.

Xisbullaha aya sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa weerraradii ay Israa’iil ku ekeaysan Lubanaa, kuwaas oo wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi ay sheegtay inay ku dhinteen ku dhawaad 1,700 oo qof bishii la soo dhaafay.

Inta badan duqaymaha cirka ee Israa’iil ku qaaday Lubnaan toddobaadkii la soo dhaafay ayaa lagu beegsaday deegaanada Shiicadu ay ku badan yihiin ee Koonfurta iyo dooxada Bariga ku taalla ee Bekaa, halkaas oo ay ku xooggan yihiin Xisbullah.

Aitou, oo ah deegaan ay deggan yihiin dadka masiixigana ee Moronite kuna dhow magaalada xeebta waqooyiga galbeed ee Tripoli ayaan ahayn meel la filayey inay weerar ka dhici karo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in aysan jirin digniin, basle kaliy aay maqleen hal qarax oo aad u weyn.

Si kastaba ha ahaateen waxa sidoo kale sheegeen in qoysas dhowra oo dhawaan ka soo barakacay dagaalka Koonfurta lubnan ay dhawaan u soo guureen deegaanka Aitou, meeleha la wareerayna uu ka mid aha guruga dadka barakacay laga kireeyey toddobaadk ka hor

Ilo dhanka ammaanka ah oo Lubnaan ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhismaha “lala beegsaday wax yar ka dib markii uu nin ku yimid baabuur”.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ay samaynayso baaritaanno DNA-da si loo ogaado aqoonsiga hadhaagii ay heleen dadkii ugu horreeyay ee goobta ku sugnaa.

Sidoo kale Isniintii, militariga Israa’iil ayaa sheegay in weerar ka dhacay koonfurta Nabatieh ay ku dileen taliyihii qeybta ka hortagga taangiyada ee Radwan Force ee Xisbullah. Ururka Xisbullah ayaan ka hadlin arrintaas.

Milateriga ayaa sidoo kale sheegay in ka hor tageen gantaallo lagu soo ganay bartamaha iyo waqooyiga Israa’iil.

Inta badan gantaalada ayaa la qabtay ama waxa ay ku dhaceen goobo banaan ah, sida ay sheegeen ciidamada.

Hal qof oo dumar ah ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray 15 gantaal oo lagu soo tuuray dhanka waqooyiga magaalada Karmiel.

WARARKA