Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo Deeq waxbarasho siineysa dal horey Soomaaliya usoo garab qabtay.

Talaado 15-Octo-2024 {HMC} Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda u dhalatay dalka Suudaan ee ku nool dalkeena, deeqdan ayaana ah mid Suudaan loogu gudayo abaal ay horey ugu galeen arday badan oo Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya , ayaa lagu sheegay in dalkeenna ay abaal weyn ku leeyihiin dadka reer Suudaan, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in aysan ilaawi karin garab istaaga ay Sudan u fidisay arday badan oo Soomaaliyeed xilli loo baahnaa” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

“Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada

Dalka Sudan , waxaa ka qarxay sannadkii hore dagaal sokeeye oo u dhaxeeya ciidanka miatariga ee dalkaasi iyo kuwa gurmadka deg dega ee loo yaqaan RSF, dagaalkaasi ayaana sababay in dad badan oo reer Sudan ka qaxaan dalkooda, kuwaa oo qaarkood gaareen dalkeenna Soomaaliya.

WARARKA