Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xisbulah oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israel.

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Weerar ka mid noqonaya weerarradii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa ee gudaha Israa’iil ay ka geystaan Xisbullah ayaa caawa ka dhacay koonfurta magaalada Haifa, kaddib markii diyaarad aan duuliyaha lahayn oo ay soo direen Xisbullah ay ku qaraxday deegaanka Biniyamina oo ka tirsan Haifa halkaasoo 3 qof ay ku geeriyoodeen qiyaastii 100 kale oo 9 ka mid ah ay dhaawacyo culus soo gaareen ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay raadiyaha ciidanka Israa’iil.

Sida laga arkay weerarkan waa mid lagu beegsaday bartilmaameed sax iyo waqti si ku tagal ah loogu beegay, weerarka waxaa fuliyay ururka Xisbullah oo u adeegsaday diyaarad aan duuliyaha lahayn, laakin waxa ku cusub weerarka ayaa ah inuu dhacay iyadoo nidaamyada difaaca aysan ka hortagin oo wax digniin ah aysan bixin.

Waqtiga weerarka ayaa sidoo kale muujinaya in bartilmaameed sax uu ahaa, waxaana lala eegtay xilli boqollaal ka mid ah ciidanka Israa’iil ay ku sugnaayeen hoolka lagu casheeyo ee ku dhex yeella saldhigga, halkaasoo ah goobta diyaaradda ay ku qaraxday . Wuxuu u dhacay weerarkan hab bartilmaameed sirdoon oo sax ah.

Wargeyska Walla ayaa xaqiijiyay in su’aallo la waydiinayo saraakiisha ciidanka cirka gaar ahaanna kuwa qaabilsan difaaca hawada, waxaana wax laga waydiinaya sida aysan u aqoonsan weerar lagu beegsaday bartilmaameed muhiim ah. Dhinaca kale raadiyaha ciidanka Israa’iil ayaa laga soo xigtay in hab khiyaamo ah ay weerarkan u fulisay Xisbullah, kaddib markii la soo diray xilli tobannaan gantaal lagu soo riday Haifa oo ay nidaamyada difaaca ku mashquuleen gantaallada, balse weerarka caawa ayaa sii quus geynaya Israa’iil iyo in si dhammeystiran nidaamyadeeda difaaca ay ugu fashilmeen inay awood u yeeshaan ka hortagga weerarrada

Xisbullah ayaa markii u horreysay waxyar ka hor baahisay warsaxaafadeed ay ku sheegtay inay ciidanka Israa’iil u adeegsadaan dhismayaasha rayidka goobo ay ka soo weerarraan Lubnaan! Hadalkan Wuxuu u muuqda inay sharciyad ugu raadinayaan sidii ay u beegsan lahaayeen dhismayaasha la deggan yahay

WARARKA