Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Bankiga Adduunka oo soo saaray Dalalka ugu saboolsan dunida xilli ay…..

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Warbixin cusub oo Axaxddii shalay kasoo baxday Bankiga Adduunka ayaa muujisay, in 26-ka waddan ee ugu saboolsan caalamka oo ay ku noolyihiin boqolkiiba 40 dadka ugu faqrisan dadyoowga caalamka, lagu leeyahay deyn ka badan inti hore laga tan iyo 2006-dii.

Warbixinta ayaa intaasi raacisay in waddamadaasi ay sii kordhayso u nugulaanta masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale ee qarracnka leh.

Warbixintan ayaa lagu ogaaday in dhaqaalaha dalalkaasi uu celcelis ahaan hadda ka liito sidi ay ahaayeen, ka hor inti uusan dunida ka dillaacin masiibadi cudurka COVID-19, xilli dunida inteeda kale ay weyn uga soo kabsadeen COVID oo ay dib u bilaabeen qaabka koritaanka dhaqaalaha.

Warbixinta oo ka hadleysa mushkiladaha heysta dalalkaasi ayaa sheegtay, in saddex meelood laba meel 26 ka waddan ee ugu saboolsan dunia ay ka jiraan iskahorimaadyo hubaysan ama ay ku adag tahay ilaalinta nidaamka sababo la xiriira habacsanaanta hay’adaha iyo bulshada, taas oo xannibaysa maalgashiga shisheeye, iyo in la dhoofiyo badeecooyinka laga soo saaro dalalkaasi.

Inta badan dalalka daraasaddan laga sameeyay ayaa u badan dalalka Africa ee saxaraha ka hooseeya, laga soo billaabo Ethiopia, Chad ilaa Congo, waxaase liiska sidoo kale ku jira dalal ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Yemen.

WARARKA