Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

XASAASI: Somaliland oo heshiis kale la saxiixatay Imaaraadka Carabta.

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee maamulka Somaliland ayaa heshiis isfahan wada shaqeyn ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, shirkaddaas oo lagu magacaabo Emirates Industrial Laboratory ayaa ka shaqeysa arrimaha Macdanta.

Heshiiskaan waa mid shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta u oggolaanaya in deegaanada Somaliland ay ka hirgaliso qalab sheybaar oo lagu baarayo macdanta kala duwan ee deegaannadaas laga qodo.

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo heshiiskaan la saxiixatay shirkadda Emirates Industrial Laboratory, ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabay qalabka sheybaarka ah iyo baaritaanka macdanta Somaliland, isla markaana hadda xal loo helay caqabadihii jiray.

Somaliland ayaa sheegtay in markii hore Macdanta laga qodo deegaanadooda loo qaadi jiray dibadda, si loo ogaado nooceeda iyo tayadeeda sheygaas, balse hadda waxay heshiis la galeen shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

“Waxaan kala saxiixannay heshiis isfahan ah oo ay maalgalin ku sameeyaan laabka macdanta ee wasaaradda, haddii ay dhisme noqoto iyo haddii ay qalab noqotaba,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali) oo BBC u waramay isagoo ku sugan magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta.

Deegaanada Somaliland horay waa looga qodi jiray Macdanta, waxaana dhowr jeer dadkii qodayey ku soo dumay godad waaweyn, maadaama aysan heysan qalab, aqoontiina aysan laheyn.

Qolada ay Somaliland heshiiska cusub la gashay ee Emirates Industrial Laboratory waa hay’ad bixisa adeegyo kala duwan oo ay kamid tahay baarista goobaha ay ku jiraan macaadinta, shidaalka iyo saliidda, sidoo kale waxaa lagu sheegay inay qeyb ka qaadato soo saarista injineero ku xeel dheer shaqooyinkaan iyo qalab kala duwan oo wax lagu baaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga carootay, aadna uga gilgilatay heshiis ay bilowgii sanadkaan Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo khatar ku ah badda Soomaaliya, mar kale waxaa soo shaac baxay heshiiskaan ku saabsan macdanta ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

Inkastoo aysan cadeyn mowqifkooda, Imaaraadka ayaa loo arkaa inuu u janjeero dhanka Itoobiya, isla markaana uu ku jiro dowladaha khatarta ku ah Soomaaliya, kana soo hor jeeda dib u soo kabashadeeda, dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa sida ay uga jawaabto heshiiska cusub ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

WARARKA