Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka xoogga iyo Daraawiishta Jubbaland oo la wareegay deegaano Istaraatiiji ah.

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta la wareegay deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaankan oo kooxda AS u aheyd meel istaraatiiji ah ayaa waxaa haatan si buuxda gacanta ugu haya ciidanka xoogga dalka.

Howl-galka qorshaysan ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay saldhigyo kooxda ku lahaayeen deegaanno badan oo hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Goobaha la burburiyay ayaa waxaa la sheegay in kooxda ku baadi jireen dadka shacabka ah, waxaana halkaasi weli ka socda baacsiga kooxda AS.

Howl-galkan ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay taliye ku-xigeenka ururka 162-aad ee kumaandooska Danab Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil, isagoo xaqiijiyay in ciidanka ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Qudus.

“Waxaa jira howl-gal soo bilowday xalay saqdii dhexe kana soo bilowday deegaanno hoostaga degmada Kismaayo oo kow ka tahay Leel-kuus, Qudus, Yaaq Caleen, wuxuuna ahaa howl-gal burburin ah, inta uu socday wax iska-caabin ah kalama kulmin Khawaarijta,” ayuu yiri taliyaha Danab ee la hadlay warbaahinta dowladda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka wada howl-gallo ka dhan ah AS, kuwaas oo kooxda looga fara-maroojiyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan gacanta ku hayeen.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan maraya heer geba-gebo ah ayaa waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan, iyada oo mudadaas ay kooxda qaaday weeraro rogaal celin ah oo khasaare uu kasoo gaaray ciidanka.

WARARKA