Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamo Kawada Tirsan Nisa oo Ku Dagaalamay Degmada Afgooye

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu weeraray sargaal ciidan oo katirsanaa laamaha amniga degmada Afgooye, waxaana halkaasi dil iyo dhaawac loogu geestay qaar kamid ah ilaalada sargaalka.

Sida ana xogta ku heleyno ciidamo kale oo katirsan dowladda Soomaaliya lana sheegay in ay ka baxeen magaalada Muqdisho ayaa xalay saqdii dhaxe weeraray guriga sargaal katirsanaa ciidanka NISA, waxa ayna halkaasi ku dileen sargaalka iyo saddex nin oo ilaaladiisa kamid ahaa, halka tiro kalana la dhaawacay.

Weerarkan xalay ka dhacay degmada Afgooye , ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen ciidamo kale oo katirsan hay’adda nabadsugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gaashaan, lamana oga ilaa hadda sababta ciidankan u weerareen sargaalka ciidan.

Xiisad ka dhalatay dilka askartan katirsanaa ciidanka dowladda ayaa maanta ka taagan degmada Afgooye, waxaa sidoo kale dibadbax dhigay qaar kamid ah ehelada ragga la laayay iyo dadka ku dhaqan aagga askartan xalay lagu dilay.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ka hadlin falkan dilka ah ee xalay loo geestay askarta katirsan ciidanka dowladda , waxaana filinjeer la galiyay meydadka askarta la dilay, kuwaa oo ehelkooda sheegeen in aan la aasi doonin ilaa xaqooqa ka helaan.

WARARKA