Thursday, October 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Duufaanta Milton oo Hadda dul Taagan Gobolka Florida

Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Duufaanta loogu magac daray Milton ayaa xalay fiidkii billowday in ay garaacdo xeebaha koofureed gobolka Florida iyada oo ku socota darajada saddexaad ee halbeegga awoodda lagu cabbiro duufaannada.

Xarynta Dhexe ee Duufaannada ee xarunteedu tahay Miami ayaa sheegtay, in duufaanta ay hadda wadato roobab mahiigaan ah iyo dabeyl ku socota xawaare dhan 205 km saacaddiiba. Waxaa laga cabsi qabaa in ay deegaanno badan oo ka tirsan Florida ku sababto daadad halis ah.

Meelaha ay hadda dul taagantahay ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebta koofureed ee Florida sida, Tampa, St. Petersburg, Sarasota iyo Fort Myers.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadaallada gurmadka iyo samatabixinta ay ka billowdeen gobolka Florida ka hor inta duufaanta Milton aysan ku dagan xeebaha, kaddib marki dabeylo hordhac ahaa ay qaadeen ilaa 125 guri oo intooda badan ahaa guryaha la macmalka ah ee la raro.

In ka badan 1 milyan oo guri iyo goobo ganacsi oo badankood ku yaalla magaalada Sarasota ayay korontada ka maqantahay. Waxaa laga cabsi qabaa in magaalooyin kale ay korontada ka tagto.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay duufaanta oo haddadan aan idinla hadleyno socota.

WARARKA