Thursday, October 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Tirada ku dhimatay Gaza oo dhaaftay 42000 oo qof

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Wasaaradda caafimaadka Gaza waxay sheegtay in tirada lagu dilay Gaza ay dhaaftay 42,000 oo qof. Qaramada Midoobay ayaa xogtan u aragta mid laysku haleyn karo.

Wasaaradda kalama soocin rayidka iyo kooxaha hubeysan. Dhowr jeer oo hore ayey sheegtay in dadka ugu badan ee geeriyooday ay yihiin haween iyo carruur.

Dhinaca kale, madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee Falatsiin ayaa sheegay in ugu yaraan 400,000 ay ku xaniban yihiin waqooyiga dagaalka dartiis.

Philippe Lazzarini wuxuu sheegay in dad badan lagu qasbay in ay ka baxaan xerada qaxootiga Jabaliya kaddib markii Israel ay soo saarto amaro halkaas looga baxayo.

Wuxuu intaas ku daray in sahayada cuntada ee gobolka ay sii dhammaaneyso iyadoo meelaha dadka la dajiyo iyo adeegyada kale markii ugu horeysay ilaa bilowgii dagaalka lagu qasbay in la xiro.

Mr Lazarini waxa uu sheegay in dagaalka uu khatar ku yahay wajiga labaad ee ololaha tallaalka cudurka dabeesha.

WARARKA