Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

SSC Khaatumo oo deegaanadeeda ka mamnuucday in lagu dhex qaato hubka

Arbaco, October, 9, 2024 (HMC) – Maamuka SSC Khaatumo ayaa soo saaray go’aano la xariira inaan wax hub ah lagu dhex qaadan karin magaalooyinka ay maamusho SSC Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Khaatumo oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidan aan ahayn ciidanka maamulka SSC Khaatumo ineysan wax hub la dhex mari karin magaalooyinka SSC khaatumo.

“Ciidamada kala ah Daraawiishta, Booliiska, Asluubta iyo Ciidanka Nabad Sugida kaliya ayaa hub ku dhex wadan kara magaalooyinka Khaatumo, ciidii ka baxsan ciida ka Khaatumo oo lagu arko hub waxaa laga qaadi doona talaabo adag oo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta SSC Khaatumo Najiib Barkhadle.

Wasiir Najiib Barkhadle ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada SSC iney la shaqeeyaan maamulka Khaatumo oo uu sheegay inuu u taagan difaaca dadka iyo deegaanadaas.

Hadalkaan kasoo yeeray SSC Khaatumo ayaa la ogeyn sida uu uga dhaqan gali karo magaalooyinka maamulkaas oo qaarkood marar badan ka dhaceen dagaalo noocya kala duwan leh.

WARARKA