Thursday, October 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Dalka Cameroon oo la baadi goobayo halka uu jaan iyo cirib dhigay

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Madaxweynaha Cameroon wuxuu ku jiraa xaald “caafimaad” oo heer sare ah, saraakiisha sarsare ayaa sidaasi ku adkaystay kaddib markii laga waayey fagaarayaasha bulshada muddo dheer taas oo dhalisay hadal-hayn baahsan oo ku saabsan xaaladda hoggaamiyahaas 91-jirka ah.

Madaxweyne Paul Biya laguma arag meel fagaare ah tan iyo 8-dii Sebtembar, markaas oo uu ka qayb galay shirkii Shiinaha iyo Afrika ee Beijing.

Waxa uu tan iyo markaas ka baaqday munaasabado uu ka ballansanaa, sida shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.

Laakiin bayaan uu soo saaray madaxa golaha madaniga ah ee Cameroon ayaa sheegay in Biya uu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna cambaareeyay “shakhsiyaadka shar-wadayaasha ah” ee xamanaya caafimaadka madaxweynaha iyo “dhimashada ugu dambeysay”.

Hadalkan ayaa yimid kaddib maalmo ay xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ku baaqeen in lagusoo wargeliyo caafimaadka Biya iyo halka uu ku sugan yahay.

“Madaxa qaranku waxa uu sii wataa waajibaadkiisa Geneva, waligiisna kama tagin [Swiss] kaddib booqashadiisa Beijing,” Samuel Mvondo Ayolo, oo ah agaasimaha golaha rayidka ayaa sidaasi yiri fiidnimadii Arbacada.

Biya ayaa muddo dheer lagu dhaleeceeyay iwaqtiga uu ku maqan yahay dalka dibaddiisa – iyo gaar ahaan Switzerland.

Sanadka 2018, Mashruuca Warbixinta Musuqmaasuqa iyo Dembiyada Abaabulan (OCCRP) ayaa sheegay in tan iyo markii uu xukunka qabtay 1982, Biya uu ku qaatay wax u dhigma afar sano iyo bar safarro dibadda ah.

Hoteelka Intercontinental ee magaalada Geneva ayaa la sheegay in uu yahay goobta uu ugu jecelyahay.

Warbixin gaar ah, afhayeenka dowladda René Sadi ayaa sheegay in Biya uu ku laaban doono Cameroon “maalmaha soo socda”.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in Biya xaaladiisa caafimaad liidato oo ay taasi tahay hay “male-awaal saafi ah”.

Ka dib 42 sano oo uu xukunka hayay, Biya waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer Afrika.

Intii uu xukunka hayay, Cameroon waxay ka guurtay inay noqoto waddan xisbi keliya ah una guurtay siyaasad xisbiyo badan, laakiin waxaa sidoo kale lagu suntay musuqmaasuq baahsan.

Guulihii dimuqraadiga ayaa sidoo kale dib u dhac ku yimid, taas oo keentay in la baabi’iyo in la xaddido muddada madaxweynaha sanadkii 2008.

Dalka Cameroon ayaa sidoo kale waxaa ka socda dagaal goos goos ah oo ay ku dhinteen in ka badan 6,000 oo qof galbeedka dalkaasi.

Kaddib shirkii Beijing, Biya wuxuu booqasho gaar ah ku tagay Yurub, Sadi ayaa sidaasi yiri . “Madaxa qaranka xaaladdiisa caafimaad waa wanaagsan tahay, wuxuuna ku laaban doonaa Cameroon maalmaha soo socda.”

Iyadoo aan la hayn qorshe isku xiga oo cad, dhimashada Biya waxay ku keeni kartaa qalalaase siyaasadeed oo dheeraad ah Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, oo ay ka dhaceen siddeed afgambi tan iyo 2020kii iyo dhowr isku day oo kale oo militarigu ku doonayey in lagu afgambiyo dowlado.

Maqnaanshaha uu dhawaan ka baaqday shirkii madaxda dalalka looga hadlo afka Faransiiska ee ka dhacay magaalada Paris ayaa si weyn looga hadlay munaasabaddii labada maalmood ahayd, sida ay sheegeen saddex wasiir oo Afrikaan ah oo aan u dhalan Cameroon.

“Waxa ay d’adiisu ka weyntahay 90 sano, muddo dheer ma uusan qaban hawl maalmeedka cadiga ah, laakiin haddii uu dhinto xaaladdu waxay u badan tahay inay faraha ka baxdo,” ayuu yiri mid ka mid ah wasiirrada oo magaciisa qariyay.

“Ma jirto cid u diyaar ah isagaga dibadii xukunkaa, ma garanayno sida Cameroon (ay noqon doonto) la’aantii Paul Biya.”

Waddanka Kookaha iyo saliida soo saara ee Cameroon, waxa oo soo maray laba madaxweyne oo keliya tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska iyo Ingiriiska horaantii 1960-meeyadii, waxaan ka ku jira dagaal goos goos ah oo ay ku dhinteen kumanaan qof iyo kacdoonka rabshadaha wata ee Boko Haram.

XIGASHO BBC

 

WARARKA