Thursday, October 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Jaariyadaha ka shaqeynayay Dalka Lubnaan oo looga cararay guryihii ay ka shaqeynayeen.

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} BBC-da ayaa la hadashay Andako. Magaceeda rasmiga ma ahan. Waa 24 jir ka soo jeeda dalka Kenya. Shaqadeeda waa adeegto ka shaqeyneysay koonfurta Lubnaan sideedii bilood ee la soo dhaafay.

Waxay sheegtay in dadkii ay u shaqeyneysay ay qaxeen markii ay socotay duqeynta diyaaradaha Israel iyadan kaligeed looga tagay guriga maalmo.

“Qofkii aan u shaqeynayay ayaa guri igu xiray, wuu iga tagay si uu naftiisa u badbaadsado, wuu i ceyriyay markii ay soo laabteen, lacagteyda ima siin, mana haysan meel aan aado”

Waxay sheegtay in nasiib wanaag ay haysatay lacag ay ku iibsato tikidkii ay ku timid Beirut.

Qaramada Midoobay waxay ku qiyaastaa in kumanyaal jaariyadood oo haween u badan ay kaga dhaqaaqeen guryaha dadkii ay u shaqeynayeen.

“Waan la soconaa kiisas shaqaalaha muhaajiriinta inta guryaha lagu xiray ay ka tageen dadkii ay u shaqeynayeen ee reer Lubnaan si ay ugu sii ilaaliyaan alaabtooda” ayuu yiri Matthew Luciano oo ka tirsan hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM.

XIGASHO BBC

 

WARARKA