Thursday, October 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Saxafiyiinta Magaalada Qardho oo tababar ka heley FESOJ.

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} 20 ka mid ah Saxafiyiinta ka hawlgala Magaalada Qardho ayaa tababar laba maalin ah waxaa uu ugu Furmay hotel Alla aamin ee magaaladaas.

Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Puntland MAP oo wada shaqayn ay leeyihiin FESOJ, Naima Muuse ayaa ka hadashey mudnaanta Map iyo FESOJ-ba ay siinayaan dhalinyarada warbaahinta ka shaqaysa ee Puntland.

Ururka FESOJ ayaa tababarkan u qabanaya wariyayaasha Qardho ee da’da yarta ah ee aan helin tababarada saxaafadda sanooyinkii u dambeeyay , waxaana tababarka xoogga lagu saarayaa Mowduucyada Asaasiga ee saxaafadda muhiimka u ah ee ay ka mid yihiin Anshaxa iyo Xeerka saxaafadda, warka sida loo sameeyo, waraysi qaadista iyo ka waramidda arimaha khilaafaadka iyo dagaalada.

Xoghayaha guud ee FESOJ Faarax Cumar Nuur oo ka waramay furitaanka tababarka ayaa sheegay in ujeedada tababarka uu yahay in dhalinyarada ay helaan aqoonta saxaafadda si ay shaqadooda ugu fududaato, waxaa uu xusay in magaalooyin badan taababarkan oo kale ururka uu ku qabtay.

Duqa degmada Qardho Cabdi Saciid Qaal oo tababarka furay ayaa ka warramay in saxafiyiinta Magaalada ay u baahnaayeen tababar noocan oo kale ah oo lagu dhisayo xirfadda iyo aqoonta Wariyayaasha.

Tababarkan waxaa maal galiyay EU-da waxaana wada fulinayay Ururka Suxufiyiinta FESOJ iyo Hay”ada Vikes.

WARARKA