Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan oo tababar usoo xiray saraakiil katirsan Danab

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa maanta gaaray xerada ciidamada Balli-doogle ee lagu tababaro ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab.

Xasan Sheekh ayaana tababar xerada ugu soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Komaandooska Danab, kadib xaflad ka dhacday xerada dugsiga loogu magacdaray halyeeygii Gaashaanle Xasan Tuurre ee fobolka Shabeelada Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa ku ammaanay saraakiisha iyo saraakiil xigeennada tababarka loo soo xiray dhabar adeegga ay u sameeyeen in Qaranka u shaqeeyaan, ayna har iyo habeen difaacaan dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha ayaana u sheegay ciidamada in ay diyaar u noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab , waxa uuna Madaxweynaha sheegayaan in mar kale la qaadi doono guluf dagaal oo lagu soo afjarayo kooxda Al Shabaab.

WARARKA