Thursday, October 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Barakacayaasha Lubnaan ayaa weli jidadka jiifa

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Duqeynta Israel ee Lubnaan waxaa ku barakacay boqolaal kun oo dalka oo dhan ah. Dowladda Lubnaan waxay sheegtay in ku dhawaad 1.2 milyan ay gudaha dalka barakacayaal ku yihiin iyadoo dad ka badan 400,000 oo intooda badan ay Suuriyaan yihiin ay u qaxeen dalka dariska la ah ee Suuriya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in rubuc ka mid ah dadka Lubnaan ay Israel ku amartay in ay ka baxaan guryahooda iyadoo xaalada bani’aadannimo ay ka sii dareyso sida ay sheegeen hay’adaha OCHA iyo tan Qaramada Midoobay ee arrimaah bani’aadannimada.

Tuulooyin ka badan boqol oo ku yaal koonfurta Lubnaan ayaa dadka loo sheegay in ay ka baxaan.

Sida laga soo xigtay dowladda Lubnaan, dad ka badan 180,700 ayaa la dajiyay 978 goobood oo dowladda leedahay.

Dhinaca kale, ciidamada Israel ayaa saakay sheegay in 24kii saac ee la soo dhaafay ay duqeeyeen ku dhawaad 185 bartilmaameed oo Xisbullah ah.

Qoraal ay soo saareen ciidamada IDF waxaa lagu sheegay in ay si toos ah dhulka ugu dagaallameen dagaalyahanada Xisbullah koonfurta Lubnaan. Intii uu dagaalkaas socday waxaa la dilay taliye Israeli ah sida ay IDF sheegtay.

WARARKA